Debadbax Lagu Taageeray Samafalka Turkiga Oo Lagu Qabtay Muqdisho

Read Time:45 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Debadbax lagu taageerayo samafalka Turkigu ka wado dalka Soomaaliya ayaa manta lagu qabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Fagaaraha Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay banaanbaxa lagu taageerayo horumarada iyo dib u dhiska magaalada Muqdisho ay ka wadaan Turkiga ee lagu mataaneynayo caasimadaha Istanbuul iyo Muqdisho.

Banaanbaxa oo ka socda beerta Nabadda ee uu dhawaan maamulka gobolka Banaadir dayactir ku sameeyay ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir oo ku qanacsan mashaariicda horumarineed oo ay ka fulineyso Dowladda Turkiga Muqdisho.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa sheegay in dibadbaxani ay uga gol-leeyihiin muujinta waxa wanaagsan oo ay Turkigu u qabteen dadka reer Muqdisho oo ay ugu horeyso dhismaha quruxda badan ee laamiga ah oo ay ka sameeyeen Muqdisho.

Turkiga ayaa gebagebo marsiinaya dhismaha Waddo laami ah ka bilaabata degmada Kaaraan, islamarkaana gaartaa ilaa degmada Wadajir ee Mqudisho.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.