Debadbax lagu dhaleeceeyey Wargeyska Faransiiska ee Charlie Hebdo oo ka dhacay Muqdisho

Read Time:1 Minute, 42 Second

Mareeg.com: Debadbax balaaran isla markaana lagu muujinayay sida Bulshada Soomaaliyeeed ay uga soo horjeedo sawir gacmeeedyo lagu aflagaadeynayo Nabigeeena Muxumaxed ah {NNKH} oo uu daabacay Wargeys laga leeeyahay Dalka France ee Charlie Hebdo ayaa maanta lagu qabtay Xarunta jaamacada Somalia Ee Magaalada Muqdisho waxaana Isu soo baxaas qaban qaabiyay maamulka iyo Ardada Jaamacada Somalia.

Dadka isu soo baxay oo u badnaa dhalinyaro ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqday Dareen Caro leh waxaana ay si wada jir ah Halku dhigyo ay arintaan uga soo horjeedaan ay ugu qaylinayeen iyagoo wata Boorar ay ku qoran yihiin Halku dhigyo.

Qaar ka mid ah Ardada jaamacada Somalia Ee isu soo baxay ayaa Dareeenkooda cabiray waxaana ay ugu baaqeen cid kasta oo ku guda jirta falkaan lagu aflagaadeynayo Nabigeena {NNKH} iney isaga harto.

Qaar ka mid ah Culimada Soomalaiyeed oo si weyn dalka looga yaqaano ayaa ka qayb qadanayay isu soo baxa, sida:- Sheikh Abuukar Xasan Maalin.

Culimada iyo ka qeybgalayaasha isu soo baxay ayaa si qiiro leh uga hadlay Sawir gacmeeedyadaas lagu aflagaadeynayo Nabi Muxamed {NNKH} oo uu soo bandhigay Wargeys laga leeeyahay dalka Fransiiska ee Charlie Hebdo.

Dr. Maxamed Xuseen Muumin oo ka mid ah mas,uuliyiin jaamacada Somalia Ee banan baxaan abaabulay ayaa ka hadlay waxa dadka Muslimiinta ah kala gudboon Arintaan.

Sheikh Abuukar Xasan Maalin oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeeed Ee Somalia aadka looga yaqaano ayaa waxaa uu Digniin u diray dowladaha Reer Galbeeedka isagoo u soo jeediyay in hadii aysan arintaan jawaab ka bixin oo aan laga hortagin ay dhibaato Muslimiinta uga imaata Wajihi doonaan, waxaana uu dhamaan Bulshada Muslimiinta ah ugu baaqay in ay u midoobaan Difaaca Sharafta Nabi Muxamed {NNKH}

Wargeyska Charlie Hebdo oo Fadhigiisu yahay Magaalada Paris ee dalka France ayaa dhawaan waxaa uu soo daabacay Kartono uu ku aflagaadeynayo Rasuulullaah Muxamed NNKH waxaana Weerar ku qaaday Xaruntiisa Paris Rag Hubeysan oo dilay ku ilaa 12 Ruux oo wariyayaashii ka shaqeynayay Wargeyskaas ka mid ah iyo 2 boolis ah.

Wargeyska ayaa weerarkaas kadib daabacay sawirro hore leh, oo lagu aflagaadeynayo Rasuulka Sallallahi Caleyhi Wasallama.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %