Debadbax ka dhan dil loo geystay macallin oo ka dhacay Baledweyne

Baledweyne: Mareeg.com: Dadweyne u badan arday ayaa maanta debadbax looga soo horjeedo dilka macallin ka dhigay demagada Baledweyne ee xarrunta gobolka Hiiraan.

Ardayda debadbaxa dhigay ayaa ka carooday dil xalay koox aan la garan halkaas ugu geysteen macallin C/qaadir Ibraahim Magan, kaaasoo macallin ka ahaa Iskuulka Sheekh Maxamed Macallin ee Baledweyne.

Wadaadkan xalay la dilay oo sidoo kale bare ka ahaa Jamaacadda Hiiraan University ayaa la toogtay xilli uu ka baxay masjid uu ku tukaday salaadda Taraawiixda.

Xasan Qanyare Barqadle oo ka mid ah Sarakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubeysan ay dilka u geysteen wadaadka, halkaana uu ku geeriyooday.

Bulshada magaalada Baledweyne ayaa aad uga xumaaday dilka loo geystay macallinkaas kaasoo ka mid ahaa barayaasha sida weyn sanadihii dambe yga shaqeynayey gobolka Hiiraan.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245