Debadbax ka dhan ah Ciidamada Itoobiya oo lagu qabtay degmada Buulo Burte (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Debadbax ka dhan ah Ciidamada Itoobiya oo lagu qabtay degmada Buulo Burte (Sawirro)

Muqdisho – Mareeg.com: Alshabaab ayaa degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan ku qabtay debadbax ka dhan ah ciidamada Itoobiya ee maalmahaan ku qulqulayey gobollo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Debadbaxan oo ahaa mid ballaaran oo ay ka qeybgaleen boqolaal dadweyne ah ayaa waxaa ka muuqanayey dhallinyaro iyo dumar farabadan oo sitay qroyo iyo bastoolado.

Ka qeybgalayaasha debadbaxa ayaa maray wadooyinka degmada Buulo-burte, iyagoo ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah ciidamada Itoobiya.

Mas’uuliyiin ka tirsan Shabaabka oo debadbaxa ka hadlay, ayaa aad u cambaareeyey ciidamada Itoobiya ee dhowaan ku biiray howgalka AMISOM, iyagoo ku baaqay dagaal ka dhan ah, islamarkaana dadka Soomaaliyeed u diray farriin ah inay dagaalkaas ka qayb qaataan.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in dibad baxan aanu aheyn sida kii Muqdisho oo kale oo ay sheegeen in dadka xoog lagu soo bixiyay, halka dadka Buulo Burde ay iskood usoo baxeen si ay shucuurtooda u muujiyaan, sida ay sheegeen.

Debdabaxan oo shalay dhacay ayaa markii uu socday waxaa Muqdisho ka socday debadbaxa looga horjeeday xarakada Alshabaab.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!