Dayuuradaha Maraykanka oo koox ka tirsan Al-shabaab ku duqeeyey gudaha Somalia
Dayuuradaha keligood is wada ee Mareykanka ayaa duqeyn ka fuliyey degaan ka tirsan Gobolka Bay oo 160-km dhanka Galbeed kaga toosan magaalada Muqdisho.
Saraakiil ka tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa lagu sheegay in duqeyntaas laga fuliyay gobolka Bay lagu dilay rag ka tirsan Al-Shabaab oo aan tiradooda la shaacin.
Mareykanka ayaa sheegay inay caawin ka heleen ciidamada sida gaarka ah u tababaarn ee Kumandoosta Soomaaliya taasoo fududeysay duqeyntan.
Taliska ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ayaa sheegay iney sii wadi doonaan duqeymaha iyo howlgalada ay ku baacsanayaan Al-shabaab, kuwaasoo gacan lagu siinayo ciidamada dowlada iyo kuwa Al-shabaab.
Ciidamada Marayakanka oo saldhigyo qarsoodi ah ku leh gudaha Somalia ayaa kordhiyey duqeymaha ay la beegsadaan al-shabaab tan iyo markii uu Madaxweyne Trump xilka la wareegay talada dalkaas.
Comments are closed.