Dayniile:Dagaal u dhaxeeyo ciidamo beeleed oo ka socda Muqdisho — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dayniile:Dagaal u dhaxeeyo ciidamo beeleed oo ka socda Muqdisho

Iska hor imaad xoog leh oo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda ayaa ka socda agagaarka Haanta dheer iyo Xero 77 ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan wararka rasaas culus ayaa laga maqlayay aagga lagu dagaalamayay wax yar kaddib salaadii maqrib.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya labo ciidan oo qaab beeleed u abaabulan, kuwaasoo ku muransan dhulal halkaas ku yaalla oo lakala xooggay.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii sidan oo kalr ay ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dagaalameen aaggaas.

Iska hor imaadkan ka socda nawaaxiga Haanta Dheer iyo xero 77 ayaa ku soo aadaya, iyadoo xiisada siyaasadeed ee ka jirta magaalada Muqdisho uu cirka isku shareeray, waxaana maalmihii la soo dhaafay soo galayay magaalada ciidamo fara badan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!