Dawo Keyd U Aheyd MSF Swiss Oo Ku Gubatay Xerada Qxootiga Dhagaxley * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dawo Keyd U Aheyd MSF Swiss Oo Ku Gubatay Xerada Qxootiga Dhagaxley

Dhagaxley, Mareeg.com: Dad xoog leh oo ka kacay bakhaar hay’adda dhaqaatiirta aan xudduudda laheyn ee Switzerland (MSF Swiss) ku laheyd xerada Qaxootiga Dhaxaley ee dalka Kenya ayaa baabi’iyay dawo keydkii u ahayd hay’adda.

Guddoomiye ku-xigeenka MSF Dhagaxley Dr. Abuukar Maxamed ayaa sheegay in dabka uu baabi’iyay keydkii dawada ee loogu talagalay in la isticmaalo lixda bil ee soo cocota.

Lama oga sababta dhalisay dabka oo sidoo kale baabi’iyay guryo u dhowaa bakhaarka hay’adda ee gubtay, sidoo kale lama soo sheegin khasaare nafeed oo uu dabka dhaliyay.

Abuukar ayaa sheegay in dedaallo ay sameeyeen dadka deegaanka, ciidamada Kenya, hayadda Bisha Cas ee Kenya iyo shaqaalaha UNHCR oo is-kaashaday ay ku guuleysteen inay damiyaan dabka oo xawaare ku socday.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!