Dawladda Maldivess Oo Sii Deysay 40 Burcad Badeed Soomaali Ah

Male, Mareeg.com: Dawladda Maldivess ayaa sii deysay ilaa 40 burcad badeed Soomaaliya ah oo dalkaas ku xirnaa tan iyo sanadkii 2009.

Sii deynta maxaabiistaas ayaa timid kadib markii heshiis dhexmaray Dawladda Maldivess iyo maamulka Puntland ee Soomaaliya shalay oo taariikhdu ku beeneyd 2/12/2013.

Heshiiskaan waxaa Soomaaliya u saxiixay Agaasimaha Guud ee la dagaallanka Burcad-badeedda maamulka Puntalnad Abdirizak Mohamed Dirir (Ducaysane), halka Dawladda Maldives uu saxiixay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Hussein Hushie.

Waxaa goob jog ahaa madasha heshiisku ka dhacayey, Wasiiradda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee waddanka Maldives, Duniah Mahmoud, iyo Saraakiil ka kala socotay hay’adaha Qaramada Midoobay ee UNODC iyo UNHCR.

Dhallinta dalkoodii loo soo celinayo, oo xoriyadoodii helay, ayaa la filayaa in manta talaado diyaaradi keento Puntlnad taasoo ay soo kiraysey hay’adda UNODC.

Agaasimaha Guud ee la dagaallanka Burcad-badeedda maamulka Puntalnad Abdirizak Mohamed Dirir (Ducaysane), ayaa sheegay in dhallinyaradan marka ay yimaadaan Punland aan xabsi la geli doonin oo ay u tegi doodaan qoysaskooda.

Duceysane ayaa sheegay in waddanka Maldives uusan laheyn sharci ku saabsan burcad badeeda, sidaa darteedna dhallinyaradaas markii la qabtay lagu eedeeyey iney si sharci darro ah ku galeen dalkaas, haatana dowladda dalkaasi go’aansatay in lasii daayo.

Dawladda Maldivess waa jazeerado yaryar oo ku yaalla qaaradda Aasiya, gaar ahaaan badweynta Idina waana dala Islaam ah waxaana ku nool 309 kun ruux.

Dalkaan waxaa wa dastuurkiisa ku qoran iney waajib tahay in dhamaan muwaadiniintu ahaadaan Muslimiin, mana la ogola inuu muwaadin ka noqdo qof aan Muslim aheyn.

Mareeg.com