Dawo lagu tijaabinayo cudurka halista ah ee Ebola

Mareeg.com: Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa qabanaya wadahadalo deg deg ah oo looga doodayo sidii loola tacaalilahaa cudurka Ebola ee ka dilaacay galbeedka Africa.

Waxaa shirkaan barbar socda tijaabada dawo la doonayo in lagu tacaalo cudurkaan dadka badan ee laayey ee Ebola.

Ninka daahfuray Virus-ka cudurka, Professor Peter Piot, ayaa BBC-da u sheegay in xaaladdu ba’an tahay, lana doonayo in si baahsan loo isticmaalo daawada tijaabada ah.

Labo American ah oo qandaraas ku qaatay Ebolaha Liberia ayaa la soo sheegayaa inay horumar ka gaareen kaddib markii la siiyay daawada tijaabada.

Kulanka WHO ayaa lagu eegayaa in lagu dhawaaqo xaalad caafimaad oo deg deg ah oo dunida oo dhan taas oo ku lug lahaan doonta in xanibaado xagga safarka ah lagu soo rogo dalalka uu saameeyay cudurka.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245