David Cameron oo qarka u saaran inuu mar kale ku guuleysto doorashada UK * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

David Cameron oo qarka u saaran inuu mar kale ku guuleysto doorashada UK

Ra’iisul Wasaaraha talada haya David Cameron ayaa mar kale u muuqda inuu ku guuleysanayo doorashada ka dhacday UK, kadib markii uu xisbigiisu helay 329 kuraas, taasoo ah aqlabiyada ugu badan ee kuraasta baarlamaanka.

Mr Cameron oo hogaamiya xisbiga Conservative ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu dowlad cusub soo dhiso, hase ahaatee waxaa uu xusay inuusan ka hor dhici karin natiijada, maadaama ay tahay bilow.

Xisbiga Labour ee uu hogaamiyo Ed Miliband ayaa ku jira kaalinta labaad, waxaana uu helay 233 kuraas, waxayna tani ka dhigtay wax aan la fileyn, maadaama mar qudha ay is bedelo dhaceen.

Ed Miliban ayaa sheegay in natiijooyinka horu dhaca ay tahay mid niyad jab oo aad u adag, maadaama wax aanu fileyn ay soo baxeen.

Waxaa lagu wadaa in natiijooyinka doorashada oo dhameystiran in la shaaciyo, iyadoo ay u badan tahay in Mr Cameron uu mar kale xilka sii haayo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.