Darawal Mooto Bajaaj oo toogasho lagu dilay Magaalada Muqdisho
Duhurnimadii maanta ayaa waxaa isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho lagu dilay darawal mooto bajaajle ah.
Askari ka tirsan Ciidanka Minishiibiyada dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in uu toogay Darawalka mooto bajaajle ahaa ,kadib markii uu muran soo kala dhexgalay.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in askariga Minishiibiyada uu rasaas madaxa kaga dhuftay Darawalka,isla markaana uu halkaasi ku geeriyooday.
Askariga dilka geystay ayaa waxa la sheegay in goobta uu ka baxsaday,waxaana durbo goobta gaaray ciidamo ka tirsan maamulka Degmada Yaaqshiid oo halkaasi ka bilaabay baaritoon ku aadan Askarigii falka ka dambeeyay.
Comments are closed.