Darawal Mooto Bajaaj Oo Lagu Toogtay Muqdisho

Read Time:36 Second

Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta halkaasi  lagu dilay Wiil Bajaajle ah,iyadoo uu dilka geystay askari  ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dilka waxaa uu ka dhacay Xaafadda Macmacaanka ee Degmada Dharkenley,waxaana dilku yimid kaddib markii wiilka wadaha Bajaajta ahaa iyo Askariga ay murmeen.

Dilalka Bajaajlayaasha ayaa bilihii la soo dhaafay ka dhacayay Muqdisho,iyada oo tan iyo Billowgii Bisha Ramadaan tirada Bajaajlayaasha lagu dilay Muqdisho ay ku dhowyihiin 10 Qof.

Ciidamada dowladda ayaa tagay goobta uu dilka ka dhacay,waxaana ay dadka degaanka sheegayaan in meydka Bajaajlaha uu wali yaallo goobtii lagu dilay.

Shalay ahayd markii Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya uu shan kun u dilay Darawal Gaari Homy ah degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %