Danjire Nicholas Kay oo maamulka Juba wadahadal kula leh Kismaayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Danjire Nicholas Kay oo maamulka Juba wadahadal kula leh Kismaayo

Mareeg.com: Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay iyo wafdi uu hogaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka KMG Jubba.

Wafdiga Kay waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyey wasiiro ka tirsan maamulka Jubba, Masuuliyiin ka tirsan madaxtooyada Jubba, Saraakiil AMISOM, iyo saraakiil ka tiran xafiiska Qarmada Midoobay Soomaaliya ee Kismaayo.

Nicholas Key iyo wafdigiisa ayaa loo gudbiyey xarunta madaxtooyada Jubba oo uu kulan kula qaadanayo madaxda Jubba oo uu ugu horeeyo madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Islaan Madoobe iyagoo ka wada hadlaya arrimaha amniga maamulka, doorka maamulka Jubba ee hiigsiga 2016 iyo qodobo kale.

Kulanka ayaa hada socda waxaa la filayaa marka uu soo idlaado in ay ka soo saaraan war murtiyeed ku cad wada hadalka iyo kulanka Nicholas Key iyo madaxda Jubba.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!