Danjire Kay & Muungaab oo ka wada hadlay doorashada deegaanka Gobolka Banaadir

Mareeg.com: Waxaa maanta Muqdisho kulan ku yeeshay gudoomiyaha gobolka Banaadir, Xasan Muungaab iyo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nickolas Kay.

Kulanka labada Mas’uul ayaa Waxaa ay diirada ku saareen dhowr qodob oo kala ahaa dardargalinta Amaanka caasimada doorashooyinka Golaha Degaanka iyo sidoo kale dardar galinta Howlaha dariseynta ee Maamulka Gobolka Banaadir uu ku howlanaa dhawaanahaanba.

Gudoomiyaha Gobolka iyo Danjiraha Qaramada Midaabay ayaana isla gartay muhiimada ay leedahay Hirgalinta Qorshayaashaas iyadoo Kay uu gudoomiyaha u balan qaaday in uu Xafiiskiisu ka qayb qaadanayo Fududeynta Howlahaas Maamulka Gobolka Banaadir uu ku Howlanyahay in caasimada laga hirgaliyo.

Afhayeenka Maaamulka Gobolka Banaadir, Cali Maxamuud Faarax {Seeko} ayaa Markii uu soo dhamaaday kulankoodu Waxaa uu Saxaafada uga Warbixiyay  Waxyaabaha ay ka Wada Hadleen Gudoomiyaha Gobolka Gen Muungaab  iyo Danjire Nicholas Kay

“Waxyaabaha ay ka wada hadleen Gudoomiyaha iyo Danjiraha Waxaaka mid ahaa in kor loo qaado iska dhex galka Bulshada sidoo kale dardar galinta Howlaha Qaramada Midaabay ay ka Hayso Dalka, gaar ahaan caasimada, waxaa kale oo ay ka wada hadleen in amaanka oo ay wax badan ka qabsoomeen la dardar galiyo iyo in loo gogol-xaaro doorashooyinka Golaha Deegaanka oo la qorsheeyay in Gobolka Banaadir ay ka dhacdo” ayuu Yiri Cali Seeko.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Xasan Muungaab ayaa mara badan sheegay in sanadka 2016 doorasho deegaan laga qaban doono gobolka Banaadir, kaasoo dad soo dooranayaan madaxda maamulka.

Mareeg Media

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245