Danjire Keating oo gaaray Boosaaso, khadka telefankana ku wada hadalsiiyey Gaas & C/kariin Guuleed * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Danjire Keating oo gaaray Boosaaso, khadka telefankana ku wada hadalsiiyey Gaas & C/kariin Guuleed

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiiskiiska madaxtooyada magaalada Boosaaso ku qaabilay ergayga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimha Soomaliya Michael Keating iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta halkaasa gaaray.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha Puntland ku weheliyay wasiirka qorshaynta iyo xiriirka calamiga ah ee Dawladda Puntland Shire Xaaji Faarax iyo Wasiirka Dekedaha, Gaadiidka Badda iyo La-dagaalanka Burcad Badeeda Siciid Maxamed Raage, Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Dhedo iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ergayga gaarka ah ee xogyaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimha Soomaliya Michael Keating ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaliya iyo xaaladda colaadeed ee ka aloosan magalada Galkacayo.

Kulanku markuu soo dhamaaday ayaa Madaxweynaha Puntland iyo ergayga Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya waxay madaxtooyada ku qabteen shir jaraa’id oo ay kaga hadlayeen wax yaalihii kulankooda kasoo baxay.

”Wakiilka Xoghayaha guud ee qaramada midoobay waxaan aad uga wada hadalnay arrimaha la xariira doorashada Soomaaliya iyo sidii loo dhamays tiri lahaa wuuna ku bogaadiyay Puntland inay bilowday doorashadii xildhibaanada aqalka hoose, sidoo kalena in la muujiyo qoondada dumarka ee xubnaha aqalka hoose waana ku raja weynahay in xuquuqda ay dumarku leeyihiin la ilaaliyo ” ayuu yiiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa tilmaamay in sidoo kale ay ka wada hadleen arrimo kale oo ku salaysan in lasii xoojiyo xiriirka Qaramada Midoobay iyo Dawladda Puntland iyo in lasoo afjaro xaaladda colaadeed ee ka aloosan magaalada Gaalkacayo.

“Waxaan aad isula soo qaadnay dhibaatada kasoo cusboonaatay magaalda Gaalkacayo, waa arrin xanuun badan, waa arin cid kasta ay tahay inay ka damqato, loona baahan yahay in xal waara loo helo Gaalkacayo iyo mudug, waxaanu intaan wada joognay khadka telefoonka ku xariirnay Ra’iisal Wasaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, waxaanuna isla qaadanay in la sameeyo xabad joojin kabacdina madaxdu ay isugu yimaadaan maalinta jimcaha magaalada Gaalkacayo”.

Madaxweynaha ayaa intaa raciyay ”Waxaa khadka soo galay taliyaasha ciidamada iyagana amar ayaan ku siinay in xabad joojin la sameeyo, waxaan rajaynayaa in xabad joojintaasi ay hirgasho, waxaana rajaynayaa Gaalkacyo dhibaatadeedu inay dhamaato iyo in dadka Gaalkacayo ay nabad ku noolaadaan” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating ayaa dhankiisa sheegay sida uu ula dhacsan yahay qoondadii doorashada haweenka aqalka sare ee Puntland ay buuxisay intii laga rabay, isla mar ahaantaana ugu hambalyeeyey Puntland inay hormuud u noqotay doorashooyinka aqalka hoose ee barlamaanka Soomaaliya iyo hanaanka dimuqraadiyadeed ee ka bilaabmay Puntland.

Dhinaca kale wakiilka xoghayaha Qaramada Midoobey ayaa ku nuux nuuxsaday ahmiyadda ay leedahay nabaddu iyo sida loogu baahan yahay in magaalada Gaalkacayo oo deris la noqotay dagaalo soo laalaabtay in lagu soo dabalo nabad, isla markaana sheegay in si wada jir ah ay isula qaateen xabad joojin tan iyo inta laga gaarayo maalinta jimcaha oo la isugu iman doono magaalada Gaalkacayo si looga wada hadlo xallinta khifaadka soo noq noqday.

”Waxaan khadka telfoonka ku wada hadalnay, Ra’iisal Wasaaraha Soomaliya, Madaxweynaha Mamulka Galmudug iyo saraakiisha ciidamada Puntland iyo Maamulka Galmudug waxaana la isla qaatay in la dhaqan geliyo xabad joojin ka bilaabanta maanta” ayuu yiri Wakiilka Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!