Danjire Kay: Cudurdaar looma helayo dilka naxariis darrada ah ee shaqaalaha Qaramada Midoobay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Danjire Kay: Cudurdaar looma helayo dilka naxariis darrada ah ee shaqaalaha Qaramada Midoobay

Gaalkacyo – Mareeg.com: Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb. Nicholas Kay ayaa si kulul u cambaareeyay fal dil ah oo maanta garoonka diyaaraddaha Gaalkacyo loogu geystay shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay.

Askari ka tirsan ilaalada garoonka diyaaraddaha ayaa dilay labo nin oo u kala dhashey Faransiiska iyo Britain xilli ay kasoo degeen garoonka diyaaraddaha ee Cabdullaahi Yuusuf, waxaana ay ka tirsanayeen Hay’adda UNODC.

Danjiraha ayaa ugu baaqay masuuliyinta maamulka Puntland in ay baaritaano buuxa ku sameeyaan arrintaan isla markaana cadaalada horkeenaan cidda ka dambeysay.

“Waxaan cambaareynayaa dilka foosha xun leh. Saaxiibadeenna ka tirsanaa Qaramada Midoobay waxay u howl gelaayeen siday u taageeri lahaayeen baahida dadka Soomaaliyeed ay u qabaan helitaanka mustaqbal ay nabad iyo xasillooni ku dheehantahay” ayuu yiri danjire Kay.

“Wax cudur daar ah looma helayo weerarka naxariis la’aanta ah. Waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiinta in ay sameeyaan baaritaan buuxa sida ugu dhaqsiyaha badan leh eey dambiileyaashane u hor keenaan cadaaladda, ayadoon jirin wax dib u dhac ah” ayuu sidoo kale yiri Kay.

“Waxaan tacsi u dirayaa qooysaskii iyo asaxaabtii dadkii la dilay. Qaramada Midoobay waxay sii wedi doontaa taageerada muhiimka ah ay u fidineeyso dadka Soomaaliyeed kuwaasoo kasoo kabanaayo labaatameeyo sano oo xasilloni la’aan ay ka jirtay dalka” ayuu yiri ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay danjire Kay.

Dilkaan wuxuu dhacay iyadoo Gaalkacyo uu kusii jeeday madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, kaasoo tegay garoonka diyaaradaha kadib markii dilku dhacay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.