Danjire Kay "Caalamku ma aqbali doonto muddo kororsi ay sameeyaan madaxda dowladda Soomaaliya" * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Danjire Kay “Caalamku ma aqbali doonto muddo kororsi ay sameeyaan madaxda dowladda Soomaaliya”

Mareeg.com: Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa sheegay inaysa jiri doonin muddo kororsi ay sameystaan Madaxda dowladda Soomaaliya, marka la gaario sanadka 2016.

Danjire Necholas Kay ayaa dhanka kale sheegay in sanadkan 2015 ay howsha ugu badan u taalo dowladda ay tahay sameynta Maamul Goboledyada Dalka, iyo Afti u qaadista Dastuurka Qabyo qoraalka ah iyo Xasilinta Ammaanka Dalka.

Danjire Kay ayaa sheegay in wixii ka dambeeya Agosto 2016 aanay beesha Caalamka aqbali doonin in muddo kororsi la sameysto, marka uu waqtiga dhamaado.

“Ma jiri doonto wax muddo kororsi ah, Beesha Caalamkana marnaba ma aqabalayaan in madaxda dowladda ay muddo kororsi sameystaan wixii ka dambeeya Agosto 2016″ ayuu yiri Nicholas Kay oo war soo saaray.

Mr Kay ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in dowladda Soomaaliya ay waxyaabo badan qabatay mudadii ay jirtay.

Beeshaa caalaamka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka ayaa ka shaki qaba in madaxda xilligaan jira ay ka meermeerayaan qabashada howlo badan oo u yaallay si ay marmarsiiyo ugu helaan muddo kororsi.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!