Nairobi, Oct 23, 2013, (Mareeg.com): Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa difaacaday qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalkaas oo lagu eedeeyey iney ku lug leeyihii falal argagixiso.
Safiirka Soomaaliya u fadhiyo Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa ku gacan seyrtay eeda loo soo jeediyey qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab oo ahaa in ay ka qeybqaataan falalka argagixisada.
Ameriko ayaa sheegay in qaxootiga Soomaaliyed aysan wax lug ah ku laheyn howlaha argagixisada, iyaguna ayba yihiin dhibanayaal.
“Qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab waa dad aan waxbo galabsan, waxaan rabaa in aan sheego in qaxootiga yihiin dhibanayaal, qaar kamid ah ayaa la dilay, haween ayaa la kufsaday, carruurna waa la dilay’’ ayuu danjire Maxamed cali Nuur Ameriko oo warbaahinta kula hadlay Nairobi.
Danjire Amerko ayaa tilmaamay inuusan jecleysan marka uu warbaahinta qaarkeeda arko iyagoo sheegaya in qaxootigu yihiin argagixiso, waxaana markii safiirku warkaan sheegayey ka jawaabayey eedeymo ay soo jeediyeen siyaasiyiin Kenyan ah oo ku aaddan in qaar kamid ah kooxihii bishii hore weerarka ka geystay xarunta ganacsiga ee Westgate lagu soo tababaray xeryaha Dhadhaab.
Saraakiisha amniga ee dalka Kenya ayaa Khamiistii la soo dhaafay u gudbiyey golaha baarlamaanka warbixin tilmaameyso in weerarkii Westgate laga soo qorsheeyey Dhadhaab, dad kaararka qaxootiga watana ay qeyb ka ahaayeen.
Ilaa 600,000 oo qaxooti Soomaali ah ayaa ku nool Kenya, kuwaasoo intooda badan degan Dhadhaab oo ah xerada ugu dadka badan ee ay qaxooti degan yihiin caalamka oo dhan.
Bishoo hore ee September ayaa weerar Alshabaab sheegteen oo lagu qaaday xarrunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi waxaa ku dhintay ilaa 67 ruux, 170 kale wey ku dhaawacmeen, taasoo keentay in siyaasiyiin iyo warbaahin Kenyan faafiyaan warar eedeynaya qaxootiga Soomaalida.
Mareeg.com