Danjire Ameeriko oo iska cafiyey nin ka mid ah burcad ka dishay gabar sanad jir ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Danjire Ameeriko oo iska cafiyey nin ka mid ah burcad ka dishay gabar sanad jir ah

Mareeg.com: Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa sheegay inuu iska cafiyey nin ka mid ahaa koox mooryaan ah oo sanadkii 1992-kii Muqdisho ku dilay gabr yar oo uu dhalay kadib markii ay weerar burcadnimo ku qaadeen gurigooda.

Danjire Ameeriko oo saaka la hadlay BBC ayaa sheegay in ninkaas uu todobaadkan ugu yimid baar ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, islamarkaana u sheegay inuu ka mid koox burcad ah oo weeraray guriga Cali Ameeriko ee Muqdisho, iyadoo weerarakaas ay ku geeriyootay gabar yar oo uu dhalay Maxamed Cali Ameeriko oo sanad iyo bar jir aheyd.

“Sabatidii lasoo dhaafay aniga oo fadhiya baar ku yaalla Xeebta Liido ayaa waxaa ii yimid nin, wuxuuna igu yiri ‘Ma tahay Maxamed Cali Ameeriko?, markii hore waan shakiyey, markii dambe ayaan ku iri ‘Haa waan ahay” ayuu yiri Maxamed Cali Ameeriko.

“Ninkii wuxuu igu yiri waxaan ka mid ah rag horay u weeraray gurigiina oo lacag ka dhacay dadna ku dilay, muddo ayaana ku raadinayey, waxaana maqlay in aabahaa dhintay, marka waxaan kuugu imid inaad I cafiso” ayuu yiri Danjire Ameeriko.

Danjire Ameeriko ayaa sheegay in ninkaasi u sheegay in lacagatii lacaga dhacay gurigooda ay kazoo gaartay lacag dhan 12 Milyan oo shilin Soomaali ah, uuna diyaar u yahay inuu iska gudo marka uu shaqeysto, maadaama xilligaan uu yahay baagamuudo.

“Ninkii wuxuu igu yiri waxaana kaa doonayaa inaad i cafiso, lacagtii dhaca iga soo gaartay oo aheyd 12 Milyan oo shilin Soomaali ahna aan iska gudo” ayuu yiri Ameeriko.

Wuxuu sheegay Danjire Ameeriko inuu markaas soo xusuustay gabartiisii yareyd ee xilligaas laga dilay, hase ahaatee uu haddana go’aansaday inuu ninkaas iska cafisyo.

“Markii uu warkaas ii sheegay waxaan dib usoo xusuustay markii aan aasayey gabarteydii yareyd, 5 daqiiqo ayaan fekeray, kadibna waxaan go’aansaday inaan iska cafiyo, oo Alle u daayo” ayuu sidoo kale yiri Ameeriko.

Ninkaan ayaa danjire Ameeriko u sheegay in lacagtii uu ka dhacay gurigooda uu ku aaday dalka Sacuudiga, halkaasna lagu xiray oo muddo xabsi ku jiray dhawaanna lasoo tarxiilay, uuna maqlay in dadkii falka dilka iyo burcadnimada ah la geystay labo ka mid ah la dilay, qaar kalana la la’yahy.

Danjire Ameeriko oo la weydiiyey inuu jidka saxda ah qaaday markii uu si fudud ku cafiyey ninkaas ayaa yiri “Haa, wadada saxda ah ayaan maray, waxaana umadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa dib u heshiisiin” ayuu yiri Maxamed Cali Nuur Ameeriko.

Waa markii ugu horreysay ee la maqlo qof geystay fal dambiyeed dil ku jiro oo cafis weydiista dadkii uu dhibaatadaas u geystay, waxaana xusid mudan iney dalka Soomaaliya joogaan kumanaan qof oo dad laayey ama xoolo dhacay oo haddana iska socda iyagoo aan cafis weydiisan dadkii ay dhibaatada u geysteen.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!