Danjire Ameeriko oo dhar u qeybiyey maxaabiis Soomaali ah oo ku xiran Mombasa

Read Time:1 Minute, 4 Second

Mareeg.com: Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko) ayaa magaalada Mombasa ee xarunta gobolka Xeebta ee dalka Kenya ku booqday 122 maxaabiis Soomaali ah oo ku xiran xabsiga Shimo La Tewa ee magaaladaas.

107- ka mid ah dadka xiran ayaa lagu eedeeyay burcad badeenimo, badankoodna waa la xukumay.

Danjire Cali Ameeriko ayaa warbaahinta u sheegay in uu u kuurgalayay xaaladda caafimaad ee maxabiista Soomaalida, salaaddii Jimcaha ee shalayna ay wada tukadeen, islamarkaana uu kala hadlay maamulka xabsiga sidii ay u heli lahaayeen adeeg caafimaad iyo caddaalad.

Cali Ameriko ayaa tilmaamay in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya uu u socdo wada hadal ku aaddan in maxaabiista Soomaalida ee loo heysto eedaha la xiriira burcad badeednimada xukunkooda lagu qaado gudaha Soomaaliya, kuwa la xukumayna lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya.

Danjire Ameeriko ayaa Soomaalida ku xiran xabsiga Shimo La Tewa u qeybiyay dhar ay ku ciidaan, maalinta barri ah oo guud ahaan dunida Muslimka looga dabaal degayo Ciiddul Adxa.

Ma ahan markii u horeysay oo safiirka dowlada soomaaliya u fadhiya Kenya uu booqdo maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiga Shimo La Tewa, waxana horey uu u booqday mudo dhowr jeer ah.

Kenya ayaa gacanta ku heysa Soomaali farabadan oo qaarkood loo xiray arrimo burcad badeed, halka qaar kalana loo xiray arrimo socdaal.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %