Danjire Ameeriko: Kenya raaligelin ayay bixisay

Read Time:47 Second

Nairobi – Mareeg.com: Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa maanta sheegay in dowladda Kenya ay raaligellin ka bixisay xarig ay u geysatay qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, Siyaad Maxamuud Shire.

Danjire Ameriko oo ku laabtay Kenya kadib 2 todobaad oo uu ku joogay Muqdisho markii ay dowladda Soomaaliya u yeertay ayaa sheegay in dowladda Kenya ay sheegtay in ay ka xun tahay xarriga qunsulka.

Wuxuu sheegay Danjire Ameeriko in dowladda Soomaaliya ay ku qanacday warqad raaligelinta ah oo uga timid dowladda Kenya. Ameriko ayaa warkaan u sheegay Radio Barkulan.

Mar wax laga weydiiyay saameynta uu xiriirka labada dal ku yeelan karo xarigga qunsulka ayuu xusay in aysan jirin wax saameyn ah oo arrintaasi ay yeelan karto, maadaama ay raaligelin bixisay Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho uga yeertay danjire Ameeriko kadib markii magaalada Nairobi lagu xiray qunsulka safaaradda Soomaaliya, Siyaad Maxamuud Shire, iyadoo Muqdisho ka dalbatay Nairobi raalligelin rasmi ah.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %