Danjire Afey: Kenya dan gaar kuma wadato maamulka Juba * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Danjire Afey: Kenya dan gaar kuma wadato maamulka Juba

Mareeg.com: Wakiilka urur goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afey, ayaa sheegay in Kenya aysan dano gaar ah ka laheyn dhismaha maamulka Jubba e iminka ka taliya Kismaayo iyo deegaano kale oo kooban.

Maxamed Cadi Afey ayaa xusay in sheegashadaas ay tahay mid aan sal laheyn, ayna ka dambeeyaan dad aan doonaynin nabad waarta oo ka dhalata Soomaaliya.

Dadka mucaardsan maamulka Juba ee Axmed Madoobe hogaamiyo ayaa rumeysan in maamulkaas yahay mid ay dhistay dowladda Kenya, islamarkaana ay ku fushato danaha ay ka leedahay Koonfurta Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Afey oo wareysi siiyey wargeyska The Standard  ee kazoo baxa Kenya ayaa sheegay in dhismaha maamulka Jubba uu ka mid yahay maamullada waafaqsan arrimaha federaalka ee ay dowladda Soomaaliya ka hirgelinayso gobollada dalka.

Danjiraha ayaa sheegay in dadka ku nool gobolladaas ay doonayaan in ay dhistaan maamul, isla markaana Urur goboleedka IGAD uu ku hambalyaynayo in dadku ay qaataan nabadda iyo in ay xoojiyaan maamulka.

Maxamed Cabdi Afey ayaa sidoo kale sheegay in IGAD, ay ka qeyb qaadatay in ay hubka ka dhigaan ciidankii uu watay Col.Barre Aadan Shire (Hiiraale), isla markaana ay ku qanciyaan in ay ka qeyb galaan shirka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka, si looga hortago in markale la daadiyo dhiigga shacabka aan waxba galabsan.

Wakiilka ayaa xusay in dhismaha maamulka Jubba, uu tusaale u noqon doono maamul loo dhiso gobollada kale ee loo soo jeediyay in ay samaystaan maamul ay ku midaysan yihiin.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa aaminsan in Kenya oo cadeysatay iney dooneyso boobka qeyb ka mid ah badda Soomaaliya ay sidoo kale dalka Soomaaliyaa ka leedahay dano badan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!