Danjiraha Soomaaliya u Fadhiya Kenya Oo Booqday Xerada Kaakuma-SAWIRRO * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Danjiraha Soomaaliya u Fadhiya Kenya Oo Booqday Xerada Kaakuma-SAWIRRO

Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta booqday afarka xero ee ay deggan yihiin qqxootiga ku nool Kaakuma, isagoo wada hadal ku saabsan xaaladda qaxootiga Soomaalida ah la yeeshay masuuliyiinta gobolka Koofurta Turkaana iyo masuuliyiinta hay’adda UNHCR.

Masuuliyiinta UNHCR ayaa sheegay in 28 qof oo Soomaali ah ay si iskood ah ugu laabteen waddankooda ayaga oo ka faa’iideysanaya heshiiska 3 gesoodka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya, UNHCR iyo dowladda Kenya. Sidoo kale 198 qof ayaa is qoray si ay dib ugu laabtaan Soomaaliya.

Xerada qaxootiga ee Kaakuma waxaa ku nool56000 oo qof oo Soomaali ah, kuwaas oo u badan dhallinyro. Suuqyo ganacsi ayay Soomaalidu ku leeyihiin xerada, ayadoo tiro badan ay dugsiyada aadaan. Horjoogayaasha qaxootiga oo la hadlay danjiraha ayaa sheegay in ay u baahan yihiin in ay helaan waxbarasho sare oo jaamacadeed, dhaqdhaqaaq u sahla in ay magaalooyinka tagaan iyo in masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ay soo booqdaan si ay u dareemaan in dad metela ay jiraan.kakumakakuma1kakuma2kakuma3kakuma4kakuma5kakuma6kakuma7kakuma8kakuma9

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!