Danjiraha Soomaaliya ee Sacuudiga oo la kulmay maalqabeen Amiir Waliid Bin Dalaal

Mareeg.com: Danjiraha Soomaaliya ee u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Daahir Maxamud Geele ayaa la kulmey Amiir Waliid Bin Talaal Bin Cabdulcasiis oo ka mid ah maalqabeenada oo sida weyn loogu yaqaan aduunka.
Danjiraha ayaa marka hore Amiirka ugu mahadceliyey booqashadii taariikhig ahaa ee uu ku yimid magaalada Muqdisho 27 Agoosto, 2011, markaasi uu dalka ka jirey abaaro ba’an.
Sidoo kale wuxuu ugu mahadceliyey kaalmadii uu ugu hibeeyey dadkii markaasi abaaraha ku waxyeeloobey, oo uu kaalmadaasi u marsiiyey hey’ada OIC.
Danjiraha ayaa Amiirka u sheegey in Soomaaliya isbedelo waaweyn oo dhinac kastaba ah ka dhacey tan iyo intii safarkiisa waxii ka dambeeyey.
Danjire Gelle wuxuuna ka codsadey Amiir Waliid inuu safar kale ku yimaado dalka Soomaaliya si uu u arko isbedelada iyo horumarka laga gaarey dalka.
Danjiraha ayaa Amiirka ka codsadey inuu maalgashi ka sameysto dalka Soomaaliya, asagoo u sharxey fursadaha maalgashiga ee dalka ka jira.
Safiir Geelle wuxuu hoosta ka xariiqey in arintan ay dhiiri gelin weyni u noqon doonto dadka kale oo maalqabeenada ah ee doonaaya iney maalgashi ku sameystaan dalka Soomaaliya, waxeyna siin doontaa kalsooni weyn.
Danjiraha ayaa waxaa shirka kala qeyb galey Saalim Macow Xaaji oo ah lataliyaha koowaad isla markaana ah ku xigeenka safiirka iyo Cali Maxamud Xaaji oo ah lataliyalaha Ganacsiga ee safaaradda.
Amiir Waliid Bin Dalaal wuxuu ka mid yahay dadka ugu hantida badan caalamka, wuxuuna maalgashiyo leeyahay dalal badan. Sanadkii 2013-kii wuxuu lahaa hanti dhan $29.6 bilyan dollar.
WaliidBinTalal20160201_1WaliidBinTalal20160201_2
About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245