Danjiraha Soomaaliya Ee Midowga Yurub Oo Waraaqaha Aqoonisga U Gudbiyey Jose Barroso * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Danjiraha Soomaaliya Ee Midowga Yurub Oo Waraaqaha Aqoonisga U Gudbiyey Jose Barroso

Muqdisho – Mareeg.com: Madaxweynaha guddiga reer Yurub “European Commission” Dr, José Manuel Barroso ayaa maanta waraqadihiisa aqoonsiga ee danjirnimo ka guddoomay danjiraha Soomaaliya u fadhiyi doona Midowga Yurub Danjire Dr. Ali Saciid Faqi.

Labada Mas’uul ayaa waxaa ay wada qaateyn kulan xog-wareysi ah, iyagoo kala qaatay warbixino la xiriira howlaha shaqo ee dhaxeeya labada dhinac.

Ugu horeyn warbixin kooban oo uu soo jeediyay Mr. Jose Manuel Barroso ayuu ku sheegay in uu ku qanacsanyahay hoggaanka sare ee Dowladda Federaalka Somaliye Mudane Xasan Sheekh Maxamuud kuna ammaanay waxqabdkiisa iyo in uu fulindoono ballan qaadayadii ee dowladda federaalka ee Soomaaliya ee balanqaaday fulinta qorshihi lagu kala saxiixday Shirkii New Deal oo sanadkii la soo dhaafay lagu qabtay xarunta Midowga Yurub ee dalka Belgium.

Madaxweyaha European Commission Mr. Jose Manuel Barroso ayaa sheegay shir dhawaan lagu qaban doon xarunta midowga yurub ee ka soo qeybgali donaan madaxad wadamada Afrika iyo Yurub oo la filaayo in oo ka soo qeybgalo Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud.

Sido kale, Danjire Dr. Ali Saciid Faqi ayaa warbixin siiyay Mr. Barroso kana warbixiyay xaaladda ammaan ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya iyo Arrimaha siyaasadeed, waxaa uu sidoo kale danjiraha soo hadalqaaday waxyaabihii looga hadalay shirkii New Deal “Hiigsiga cusub” in la meel mariyo iyo in Midowga Yurub uu sii wado qorshyaasha lagu horumarrinayo waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo in ay kala shaqeyaan dhanka ammaanka gudaha iyo horumarinta adeega bulshada si loo helo nabad waarta.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.