Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya oo looga yeeray Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya oo looga yeeray Muqdisho

Muqdisho – Mareeg.com: Dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho uga yeertay danjiraha u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo qunsulka safaaradda Siyaad Maxamuud Shirre.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay in si deg-deg loogu yeeray safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Ameeriko iyo qunsulka, Siyaad Maxamuud Shire si wada-tashi loola sameeyo.

Danjire Ameeriko oo isaguna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney tegayaan Muqdisho, si war cad looga soo saaro xarrigii habeen hore booliska Kenya magaalada Nairobi ugu geystay qunsulka safaaradda Soomaaliya, Siyaad Maxamuud Shire.

Danjire Ameeriko ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay warqad cabasho ah u gudbisay wasaaradda arrimaha debadda Kenya, islamarkaana ay jawaab ka sugayaan.

“Warqad cabsho ah oo arrintan ku saabsan ayaan u dirnay gabadha ah wasiirka arrimaha debadda Kenya, jawaab ayaana ka sugaynaa,” ayuu yiri dajire Ameeriko.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka carrootay xariga booliska Kenya u geysteen qunsulka safaaradda oo lagu magacaabo Siyaad Maxamuud Shire, iyagoo ixtiraami waayey dukumiintigii uu watay iyo xiriir danjire Amerko la sameeyey.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo arrintan ku tilmaamay xadgudub ayaa shalay xukuumadda ka dalbaday iney jawaab cad ka bixiyaan dhaqanka Kenya oo uu sheegay inaan golaha baarlamaanka u dul qaadan Karin.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More