Danjiraha Somalia ee Serbia oo la kulmay RW ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Serbia

Read Time:33 Second

Belgrade, Nofeembar 11, 2022: Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Serbia Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa kulan miro dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Serbia Mudane Ivica Dačić.

Kulankan Shaqo ayay Danjire Maxamed Cabdullaahi iyo Mudane Ivica kaga wada hadleen xoojinta Xiriirka Taariikhiga ah ee ka dhexeeya Labada dal, Fursadaha Ganacsi iyo sida ay Ganacsatada labada dal uga faa’iideysan lahaayeen.

Inta uu kulanka socday ayay sidoo kale kaga hadleen Iskaashiga labada dal sida Waxbarashada iyo Cilmiga Farsamada.

Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia ayaa leh Xiriir Wax wada qabsi, waxaana moodaa in uu furmayo bog cusub oo ku saabsan Xoojinta Xiriirkaas.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %