Danjiraha Mareykanka ee Koonfurta Kuuriya oo mindi lagu dhaawacay
Mareeg.com: Danjiraa Mareykanka u fadhiya dalka Kuuroyada Koonfureed, Mark Lippert ayaa la dhaawacay kadib markii isagoo xaflad ka qeybgelaya uu mindi yar kusoo weeraray nin goobta wax ka joogay.
Mr Lippert oo 42-jir ah ayaa xilliga la weeraray ka qeyb galayay farshaxan, waxaana dhaawac kasoo gaaray wajiga.
Dhaawaca Safiirka ayaa loo qaaday Isbitaal ku yaal magaalada Seoul, inkastoo aanay xaaladiisa aheyn mid qatar ah
Ninka weeraray safiirka Mareykanka oo 55-jir ah ayaa gacanta lagu dhigay, waxaana la weydiinayaa su’aalo.
Comments are closed.