Danjiraha Britain u jooga Soomaliya oo la kulmay RW Cumar

Mareeg.com: R/wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Britian u qaabilsan Soomaaliya, Neil Wigan.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka u dhaxeeya xafiiska raysul wasaaraha cusub iyo safaaradda Britian ee Soomaaliya, dardar-gelinta howlaha muhiimka ah ee hor yaalla xukuumadda cusub sida dhismaha guddiga doorashooyinka iyo dhammeystirka nidaamka federaalka.

RW Cumar ayaa sheegay inuu sii wadi doono wada-shaqeynta u dhaxeysa labada dowladood ee Soomaaliya iyo Britain.

Danjiraha Britain ayaa ka dalbaday raysul wasaaraha Soomaaliya inuu si dhaqso ah u soo dhiso xukuumad tayo leh oo ka miro-dhalin karta hiigsiga 2016.

Nil Wigan ayaa intaas ku daray in dowladdiisa ay taageero la garab taagan tahay dowladda federaalka iyo shacabka Soomaalida.

Mareeg Media