Dani iyo Axmad Madoobe oo laf dhuun gashay ku noqday in dalka uu doorasho aada!

Read Time:1 Minute, 25 Second

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Axmad Madoobe iyo Saciid Deni oo soo fashiliyay shirarkii doorasho ee magaalada Dhuusomareeb ayaa hadana fashilinaya kuwa ka socday Muqdisho.

Labada madaxweyne oo la aaminsanyahay ineysan dooneyn in dalka ay ka dhacdo doorasho ayaa xiriir dhaw la leh dowladaha ka soo hor jeeda danaha umadda Soomaaliyeed kuwaa oo kala ah Imaaradka Carabta iyo dowladda Kenya.

Mas’uuliyiintan oo ay aheyd iney hor boodaan heshiiska iyo nabadda dalka ayaa u muuqda kuwa u gurbaan tumaya heer maanta uusan dalka gaarin iyagoo ujeedkoodu uu yahay iney dalka ku hubsadaan god dheer.

Deni ayaa isaga waxa uu ka shaqeynayaa in Soomaaliya uu u gacan geliyo Imaaradka Carabta oo dano guracan ka leh dalka waxaana uu diiday inuu saxiixo heshiikii 17-kii Septmeber oo Baarlamaanka Labada Aqal ay meel mariyeen.

Deni ayaa si gaar ah uga shaqeynaya inuu heshiiskan burburo islamarkaana dowlado shisheeye ay ka shaqeeyaan danaha Soomaaliyeed xili dowladda Federalka ay tahay mid lagu kalsoonyahay oo aamniaad weyn ay ku qabaan caalamka.

Kulamadii ugu dambeeyay ee ka socday Xalane oo u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federalka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo horumar laga gaaray waxaa ka hor yimid in war murtiyeed la soo saaro madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale waxa uu Deni ka shaqeeyay inuu kalsooni darro iyo kala shaki weyn ka dhex abuuro siyaasiyiinta iyo DF oo ahaa kuwa aragti ahaan kala duwan balse isla fariista oo wada hadla.

Axmad Madoobe ayaa isna dhankiisa taageero ka helaya Dowladda Kenya iyadoo dhaqaale ku bixineysa sidii uu shirka doorashooyinka u fashilmi lahaa islamarkana Kenya ay door uga yeelan laheyd masiirka dalka.

Labadan Madaxweyne ayaa laf dhuun gasho ku noqotay doorashada dalka iyagoo mar walba soo bandhiga shuruudo hor leh marka laga heshiiyo kuwii hore.

Muqdisho-Somalia

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %