Daawo: Dameero fariin xambaarsan oo lagu soo yaaciyey Nairobi!!!

Mareeg.com: Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa saakay lagu arkay dameero lagu soo qarey erayga “Tumechoka” oo micnaheedu yahay “Waan daalnay”.

Ereygan ayaa halkudhag looga dhigay dibedbaxyadii looga soo horjeeday ammaan darrida dalka ka jirto, ee la qabtay bishii tegtay ee November.

Ciidammada dowladda hoose ee Nairobi ayaa markii dambe waddada ka qaaday dameerradaas, waxaana lagu daadgureeyey gaadiid xamuul.

Isha: BBC