
Warsaxaafadeed ka soo baxay Dallada Ururada Bulshada Rayidka ( Ex-Banaadir) ayaa si kulul looga hadlay go’aankii uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Bashe Yuusuf uu shaqada uga joojiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macalin Maxamed.
Bayaankan ayaa lagu cadeeyay in uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka uu been abuur ka sameeyay Bulshada ku nool Gobolka Banaadir, islamarkaana aysan jirin cid u gudbisay Xafiiskiisa cabasho ka dhan ah Guddoomiye Muuse Macalin Maxamed, maadaama uu shaqo joointiisa u cuskaday cabasho ka timid Bulshada ku nool Gobolka Banaadir.
Dallada Ururada Bulshada Rayidka ayaa ka dalbaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare in uu raaligelin ka bixiyo wax ay ku sheegeen been abuur uu ka sameeyay Bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir.