
Qudus ( mareeg News ) Todobaadyadii tagay ayeey aheeyd markii ay dowlada mareekanka ku dhawaaqday ineey si rasmi ah safaaradeeda uga furtay magaalada barakeeysan ee qudus.
magaalada qudus oo ay xoog ku heystaan Yahuuda ayaa hada sii adkaaneysaa Xaaladeeda, waxeeyna aad u shideeysaa Ololka qalbiyada islaamka.
magaalada oo kamid ah magaalooyinka muqadaaska leh ayaa ah Qibladii ugu horeeysay ee loo dukado.
Inta badan dowladaha islaamka jaab fal celin ah kama ayna bixin marka lagasoo tago Jamhuuriyada turkiya oo aad uga hadashay safiirkii israaiil ee wadankeeda fadhiyana ka erisay.
Dalka Parauay ayaa hada kamid noqdoyay 3 dal oo safaaradooda u soo raray Magaalada Barakeeysan ee qudus.
Qadiyada qudus oo qarniya badan kasoo jirtay duna ayaa sura gal ah ineey dhaliso isku dhacyo dowlado waaweeyn, waxaana hada muuqanaya dagaaal dhan diblomasiyada ah oo u dhaxeeya dowladaha, kasoo salka gelin kara saacad kasta In ay dhacdo jawaab ciidan.