Dalka Jabuuti oo Horaanta Bisha July 2018 ka Furmi doonaa Shirka Joogteynta Iskaashiga ee Qaarada Afrika iyo Shiinaha.

Read Time:1 Minute, 3 Second

Waxaaa Dalka Jabuuti Bisha July 3-7 ee Sannadka 2018 ka Furmi doona Shir Balaaran oo ay wada yeelan doonaan Wadamada Afrika iyo Shiinaha, waxaana Shirkaas ka qayb gali doona Madax ka tirsan Dowladaha Afrika iyo Shiinaha.

Madashaan ayaa waxaa Diiradda lagu saari doonaa sidii loo sii Xoojin lahaa ma loo joogteyn lahaa Xiriirka Iskaashi ee Wadamada Afrika iyo Shiinaha gaar ahaan Dhinaca Dhaqaalaha maadaama Dowlada Shiinaha waayadaan dambe aya galangal dhinaca Maaligelinta iyo Dhaqaalaha ay ku yeelaneysa Wadamada Afrika,

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa ka qayb geli doon Ganacsato ka socda Dallka Afrika iyi Shiinaha , waxayna Labada Dhinac uga hadli doonaa sidii Dalka Shiinaha uu Maalgelin Balaaran ugu sameyn lahaa Kaabayaasha dhaqaalaha ee Qaarada Afrika

Sidoo kale waxaa Shirkaas lagu marti qaadey Shirkado waaweyn oo ka socdo Wadamada Yurub , Mareykanka,, Afrika, Carabta iyo Aasiya, si ay wax badan ugu ogaadaan habka Shiinaha uu u Maalgelinyo Qaaradda Afrika iyo Xiriirka sii Xoogeysanaya ee Afrika iyo Shiinaha

Ma aha markii ugu horeysey oo Kulan u dhexmaro Shiinaha iyo Afrika waxaana Sanadahaan dambe Dowladda Shiinaha hore u dhaqaajisey sidii Qaarada afrika ugu yeelan lahayd Saldhig Dhinaca dhaqaalaha waxayna Dowladda Shiinaha ka hormareen Wadamada kale ka dib markii Bulshada Qaarada afrika ay aamineen sida ShIinaha ay uga go’an tahay Horumarka Qaarada Afrika

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %