Dalalka Soomaaliya Iyo Jabuuti Oo Ciyaari Doona Kulan Saaxibtinimo Ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dalalka Soomaaliya Iyo Jabuuti Oo Ciyaari Doona Kulan Saaxibtinimo Ah

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta kulan kula qaadatay Magaalada Muqdisho Safiirka dowlada Jabuuti u fadhiya Soomaaliya.

Kulankaan oo ka dhacay Xarunta Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiir ku Xigeenka Wasaarada, Agaasimaha Wasaarada, Cayaartoydii hore ee dalka iyo xubno kale.

Marwo Khadiijo ayaa shaaca ka qaaday in kulan saaxibtinimo ah ay wada ciyaari doonaan Soomaaliya iyo Jabuuti taasna ay isla meel dhigeen Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan.

Sidokale Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya ayaa waxaa lagu wareejiyay agab Kayimid Madaxweynaha dalka Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle kaas oo loogu tala galay ciyaaraha waxa uuna qalabkaan ka koobanyahay nooc walba oo ciyaaraha ah.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!