Dal Carbeed oo Dhax dhaxaadinaya Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dal Carbeed oo Dhax dhaxaadinaya Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka

Xiriirkii u dhaxeeyay Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ahaa mid sii xumaanayay, waxaana xaalada uga sii dartay heshiiska ay Dekadda Berbera kula wareegtay shirkad laga leeyahay Imaaraatka.

Dowlada Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaantay heshiiskii Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraatka la gashay maamulka Somaliland kulana wareegtay Dekeda Berbera, waxa ay sidoo kale dowlada walaac ka muujisay fara galinta Imaaraatka ku hayo dalka.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo kamid ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah dalka Imaaraatka Carabta ayaa hada qorsheeneysa in ay dhax dhaxaadiso dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka oo hada xiriirkoodu meel xun gaaray.

Sida ay xaqiijiyeen diblumaasiyiin katirsan Wasaarada Arimaha Dibadda Soomaaliya Dowlada Sacuudiga ayaa qoraalo dalab wadahadal ah u kala dirtay dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.

Sacuudiga ayaa doonaya in arinta khilaafka dhalisay si hoose loo xaliyo, lamana oga go’aanka dalabka Sacduudiga ka qaadan doonaan dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.

Dowlada Soomaaliya ayaa qoraal ashtako ka ah fara galinta Imaaraatka Carabta iyo Heshiiska Shirkada DP World la gashay maamulka Somaliland u gudbisay Ururka Jaamacada Carabta.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka Jaamacada Carabta ayaa sheegay in Dowladda Imaaraat-ka ay waajib ku tahay iney ixtiraamto madaxbannaanida iyo midnimadda umadda Soomaaliyeed .

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaantay heshiiska Sadax geesoodka ahaa ee ay Shirkadda DP-World , dowlada Itoobiya iyo maamulka Somaliland kuwada gaareen dalka Imaaraatka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More