Dagabageed: ” Waa Looga Maarmaa Shirka Odayaasha ka soo horjeeda”. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dagabageed: ” Waa Looga Maarmaa Shirka Odayaasha ka soo horjeeda”.

Isagoo la hadlayay Warbaahinta Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Odayaasha qaadacay shirka Jowhar laga kaaftoomay  islamarkaana aanu jirin natiijada shirkaas cid ka hor imaan karta.

 

Yuusuf Dabageed ayaa carabka ku adkeeyay in maamulkiisa iyo dowladda Federaalka ay ku guuleysteen in Odayaasha reer Hiiraan u matalaya shirka maamul u sameynta labada gobol  ay ku qanciyaan tagista Jowhar.

 

“ Madaxweynaha  lagu soo doorto Jowhar halkaan Baladweyne ayaa lagu caleemo saarayaa, mana jirto cid ka hor imaan karto” ayuu yiri Dabageed.

 

Hadalka Dabageed ayaa imaanaya iyadoo qaar ka mid ah Beelaha reer Hiiraan ay ka biyo diidan yihiin ka qeyb galka wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

 

Beelaha Diidan shirkaas ayaa waxaa ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!