Dagaalyahano Ku Xiran Alqaacidda Oo Dowladda Ciraaq Kala Wareegtay Magaalada Faluuja * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dagaalyahano Ku Xiran Alqaacidda Oo Dowladda Ciraaq Kala Wareegtay Magaalada Faluuja

Faluuja, Mareeg.com: Mas’uuliyiin iyo goobjoogayaal reer Ciraaq ah ayaa xaqiijiey in magaalada Istiraatiijiga ah ee Falluuja eek u taalla gobolka Al-anbaar ee dalka Ciraaq ay la wareegeen dagaalyahanada dowladda Islaamiga ee Cirqqa iyo Shaam ee lagu soo gaabiyo Daacish.

Sarkaal amaan oo la hadlay BBC ayaa sheegay in kooxda Islaamiga ah ee Daacish la wareegeen gacan ku heynta magaalada Faluuja oo ku taalla gobolka Al-anbaad ee galbeedka dalka Ciraaq.

Haadi Zureyj oo ah madaxa booliska gobolka Al-anbaar ayaa sheegay in ciidamadiisu isaga baxeen magaalda Faluuja.

Haadi Zureyj ayaa sheegay in dadka magaalada Faluuja ay gacanta u galeen kooxda Daacish oo ah jabhad Islaami ah oo ku xiran Alqaacidda.

Raysul wasaaraha dalka Ciraaq Nuuri Al-maaliki ayaa dhawaan sheegay in gobolka Al-anbaar laga sifeyn doono dhamaan kooxaha ku xiran Alqaacidda ee mayalka adag.

Dagaalka gobolka Al-anbaar ayaa qarxay kadib markii milateriga dalkaas xoog ku kala ceyriyey isu-soo baxyo ka dhan ahaa xukuumadda Nuuri Al-maalki, kaasoo muddo sanad ah ka socday magaalada Ramaadi oo 5 KM dhanka galbeed ka jirta magaalada Faluuja.

Carabta Suniyiinta ah ayaa isu soo baxa cabashada ah magaalada Ramaadi ka bilaabay dhamaadkii sanadkii 2012, iyagoo sheegay in Shiicada la wareegay xukunka dalka ay ihaano ku hayaan Suniyiinta.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.