Dagaallo lagu hoobtay oo ka dhacay gobolka Hiiraan & xadka uu la wadaago Itoobiya (Faahfaahin)

Read Time:1 Minute, 32 Second

Mareeg.com: Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya waxaa ka holcaya dagaallo beeleed, kuwaasoo maanta siyaabo kala duwan u dhacay, waxaana ku naf waayey ilaa 20 ruux oo ah dhinacyadii dagaallamay.

Mid ka mid ahdagaallada wuxuu ka socdaa xadka ay wadaagaan gobolka Hiiraan iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waana dagaalka khasaaraha badan ka dhashay, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in ciidamada Liyuu Boolis ee Itoobiya la safan yihiin mid ka mid ah labada beelood.

Dagaalkaas oo saaka mar kale ka qarxay inta u dhaxeysa deegaannada Xodo-oogle iyo Buurdhiinle oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa warar soo baxay sheegayaan iney ku dhinteen dad ku dhow labaatan oo labada dhinac ah.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay inuu dagaalka salka ku hayo muran ka dhashay lahaanshaha dhul daaqsimeed ku yaalla deegaanka.

Waxay sheegeen inuu dagaalka ka socdo deegaannada miyiga ee ku yaalla inta u dhaxeysa Xodo-oogle iyo Buurdhiinle.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la sheegay inay u badan yihiin maleeshiyada hubeysan ee dagaallameysa.

Dhan kale, warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saaka ka dhacay degaanka Deefoow ee Gobolka Hiiraan iyo degaano Hoosyimaada oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi ay ku Nafwaayeen ilaa 4 Ruux, iyadoona ay ku dhaawacmeen in ka badan 7 Kale, waxaana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay yihiin Maleeshiyaadkii dagaalamay.

Labo kamid ah Dhaawacyada Dagaalkaasi  ku soo waxyeeloobay ayaa la sheegay  in la dhigay  Isbitaalka Guud ee Magaalada Baledweyne ee Xarunta u ah Gobolka Hiiraan.

Saaka ayey aheyd markii Labo Maleeshiyo Beelood ay ku dagaalameen Degaano hoosta Degaanka Deefoow ee Gobolka Hiiraan, iyadoona Dagaaladaasi ay ku soo laab laabteen Gobolka Hiiraan.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo dhinaca mas’uuliyiinta maamulka gobolka ay kasoo saareen dagaalka oo ah kii cuslaa oo waayadii ugu dambeeyay ka dhacay deegan-nada ku teedsan xadka gobolka Hiiraan iyo Itoobiya.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.