Dagaallo ka dhacay Jaziirad ka tirsan Jubada Hoose

Kismaayo – Mareeg.com: Wararka ka imaanaya Jaziiradda Madhawa ee degmada Badhaadhe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas Alshabaab ku qaadeen weeraro is-dabajoog ah, uuna ka dhashay khasaare nafeed.

Gudoomiyaha degmada Badhaadhe oo ay hoostimaado Jaziiradda Madhawa, Faarax Heybe ayaa VOA u sheegay in Alshabaab tan iyo bilowgii bishaan weeraro is-dabajoog ah ku hayeen deegaankaas.

Faarax Heybe ayaa sheegay in hoobiyaal Alshabaab ku garaaceen Jaziiradda ay ku dhinteen ilaa 5 ruux, ayna ku dhaawacmeen 6 kale.

Wuxuu sheegay Heybe in Jaziiradda y gacanta ku hayaan ciidamada maamulka KMG ah ee Juba.

Alshabaab ayaa dhankooda sheegtay iney Jaziiraddaas la wareegeen iyadoo aan wax dagaal weyn ah ka dhicin. Ma jiraan warar ka madax banaan labada dhinac oo ku saabsan gacan ku heynta Jasiiradda Madhawa.

Gobolka Jubada Hoose ayaa ka mid ah gobollada sida weyn Alshababa ugu xoogan yihiin, islamarkaana dagaallo badan ka dhacaan.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245