Dagaal u dhaxeeya Puntland iyo Alshabaab oo markale ka qarxay deegaanka Suuji * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dagaal u dhaxeeya Puntland iyo Alshabaab oo markale ka qarxay deegaanka Suuji

Mareeg.com: Wararka laga helayo deegaannada Puntland ayaa sheegaya inuu saaka markale dagaal u dhaxeeya ciidanka Puntland iyo Alshabaab uu ka qarxay deegaanka Suuji ee gobolka Nugaal, halkaasoo shalay oo dhan dagaal ka socday.

Sida wararku sheegayaan dagaalka oo shalay galab istaagay, ayaa waxaa labada dhinac tan iyo xalay isu adeegsanayeen rasaas goos goos ah, waxaana Ciidamada Puntland ay madaafiic ku gaaracayeen dhufeysyada ay galeen dagaalyahanada Shabaab oo ah togga Suuj oo ku dhow deegaanka Garmaal.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamada Puntland aysan wali u suura gelin inay galaan aagga Suuj oo ah goob dhagxaan iyo godod leh, isla markaana ah goob lagu dhuumaaleysan karo.

Saraakiisha Amniga Puntland ayaa sheegaya inay ku gacan sareeyaan dagaalka, ayna isku dayayaan in 72-ka saac ee soo socda ay soo afjari doonaan.

Alshabaab oo shalay barahooda Internetka ku qoray warar sheegaya iney ku duleen Puntland ayaan wax war ah kasoo saareen dagaallada Bari iyo Nugaal, waxeysa ku gaabsadeen iney gacanta ku hayaan deegaano farabadan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!