dagaalkii saaka ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Read Time:36 Second

Gaalkacyo ( Mareeg)-Wararka aan  iminka ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku soo warramaya in dagaal culus uu ka soconayo Gudaha Magaaladaasi.

 

Goob Joogayaal ayaa Shabelle u xaqiijiyay in Ciidamada Maamulka Puntland lagala wareegay Kontaroolkii Koofurta Magaalada Gaalkacyo ay ku lahaayeen.

 

Dagaalka ayaa hadda waxa uu ka soconayaa Hoteelka Cagaarweyne ee xiga dhinaca waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo.

 

Weli ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka  mar kale dib uga qarxay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

 

Dagaalka ayaa dib u qarxay xilli Masuuliyiin sar sare  oo dowladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan ay u baxeen si labada dhinac ay ukala dhex galaan kuwaas oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %