Dagaal xoogan oo xiligan ka socda Duleedka magaalada Baydhabo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dagaal xoogan oo xiligan ka socda Duleedka magaalada Baydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo Al Shabaab uu xiligan ka socdo duleedka Baydhabo.

 

Dagaalka ayaa ka socda deegaanka lagu magacaabo Goof Gaduud oo kuyaala duleedka magaalada Baydhabo, waxaana saakay deegaankaasi weerar xoogan ku qaaday dagaalyahano aad u hubeesan katirsan Al-Shabaab.

 

Dadka ku dhawqan Deegaanka Goof Gaduud ayaa ku waramaya in uu socdo dagaal aad u xoogan ayna dhinacyada isku adeegsanayaan hubka culus, wali si dhab ah looma oga cida ku gacan sareysa dagaalka gacantana ku heysa deegaanka lagu dagaalamayo.

 

Ciidamo gurmad ah oo katirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka baxay magaalada Baydhabo kuwaa oo aaday halka uu dagaalku ka socdo, magaalada Baydhabo ayaana si weyn looga dareemayaa dagaalka socda.

 

Deegaanka Goof Gaduud ree kuyaala duleedka magaalada Baydhabo ayaa marar badan waxaa ka dhacay dagaalo aad u xoogan, waxaana deegaankaasi marar kala duwan gacan ku heyntiisa gashay Al Shabaa

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!