Dagaal Xoogan Oo Maanta Ka Dhacay Gobolka Baay

Dagaal Xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dagaalyahanada Ururka Al Shabaab ayaa galabta waxa uu ka dhacay degaano hoostaga Degamada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Dagaalkan oo socday muddo ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana dagaalka ka dhashay Khasaaso isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen inuu socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah Al Shabaab, kaasi oo la doonayo in guud ahaan looga saaro degaanada Koonfur Galbeed.

Waxaa Caawa degan Xaalada deegaankii Galabta dagaalka uu ka dhacay,waxaana Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay wadaan dhaq dhaqaaq Ciidan.

 

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia