Dagaal Xoogan Oo Maanta Ka Dhacay Degmada Qoryooley Ee Gobolka Sh/hoose

Read Time:37 Second

Dagaal u dhaxeya Ciidanka dowlada iyo Ururka Al Shabaab  ayaa waxa uu galabta uu dhacay Deegaan u dhaw Degmada Qoryoleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose dagaalkaas ayaa geestay Khasaaro dhimasho iyo Dhaawac leh.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowlada Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab iyo Ciidanka dowlada ay ku Dagaalameen Degaan u dhaw Degmada Qoryooleey,islamarakaana ay labo ka tirsan Dagaalyahanada Shabaab ay ku dileen Dagaalkaas, kana furteen Hubkii ay wateen.

Dhanka kale waxa uu sheegay in labo qof oo Shacab ah ay ku dhaawacmeen kuwaa oo sida uu tilmaamay ku sugna Beerahooda ayna Xabada Meesha ay ugu tagtay.

Xaalada Degmada Qoryoleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa hada ah mid degan mana jirto wax Rasaas ah oo dhaceysa.

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.