Dagaal Xoogan Oo Ka Socda Magaalada Muqdisho

Read Time:44 Second

Wararka ka imaanayo Xaafada Kaawa Godeey qeybta Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegan in halkaasi uu ka socdo daagal u dhaxeya Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda balse u qaab beeleed u abaabulan.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu bilowday duhurnimadii maanta,waxana la sheegay in uu dhexmarayo Ciidamo kawada tirsan Dowladda Soomaaliya oo la sheegay in ay abaabulan yihiin qaad beeleed,iydoo dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinc.

Dad Goobjoogayaal ah oo ku sugan halka uu dagaalka ka socdo oo ah Xaafada Kaawa Godeey gaar ahaan halka loo yaqaano Ceel Dhanaanoow ayaa inoo sheegay in Ciidamada dagaalka uu dhexmarayo ay isku-heystaan dhul halkaasi ku yaalla.

Ilaa iyo hada ma jiro wax ah oo kasoo baxay maamulka Degmada Dharkenley ee Gobolka iyo Taliska Booliska Degmadaasi ee ku aadan dagaalka ka socda Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %