Dagaal Xoogan Oo Ka Socda Degmada Qoryooley

Dagaal xoogan ayaa lagu soo Waramayaa inuu ka socda Tuulooyin hoos yimaada Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa waxa oo u dhaxeeya dad xoolo dhaqato ah iyo beeraley waxaana ka dagaalka la isku adeegsanayaa Faasas iyo Baangado waxaa la xaqiijiyay in la laayay xoolo badan , iyo beero halkaas ku yaallay mana jirto cid kala dhexgashay dhinacyada Dagaalamaya.

Maamulka Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan Dagaalkaan ka socda Tuulooyin hoos yimaada Degmadaasi ,

Ma’ahan marii ugu horeysay uu Dagaal kan oo kale ah uu ka dhaco Tuulooyinka hoos yimaada Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia