Dagaal Xoogan oo ka socda Degaano hoos taga maaulka Konfur-galbeed

Read Time:39 Second

Tiyeeglow (Mareeg news ) Wararka ka imaanaya degmada Tiyeeglow ee gobalka Bakool ayaa soo sheegaya in dagaal culus uu ka dhacay qayba ka mid ah degmadaasi kadib markii ay Al-shabaab weerarayn Ciidamada Dowladda



Afayeenka maamulka Koofur Galbeed Nuuradiin Abuukar Gacma ayaa u sheegay warbaahinta  in dagaalka uu wali socdo hadana aan laga bixin karin faah faahin  ku aadan dagaalkaasi.



Wararku waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa koofur Galbeed oo ku socday howlgal kormeer ah jidka ay u galeen Ciidamo ka tirsan Al-shabaab halkaasna uu dagaal ka bilaawday.



Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay, dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka uu hadda istaagay balse wali ay dhacayso rasaas goos goos ah.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %