Dagaal xoogan oo ka dhacay gobolka shabeellaha dhexe

Read Time:54 Second

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan Deegaan lagu magacaabo Sabuun oo 14km dhanka Waqooyi Bari kaga began Magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayan in halkaasi xalay uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Maleeshiyo deegaanka ah iyo dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.

Waxaa la sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab weerar ay ku qaadeen Maleeshiyo ku sugnaa deegaanka Sabuun,waxaana weerarka kadib xigay dagaalka,kaasi oo ka dhashay khasaaro kala kuwan oo labada dhinac soo kala gaaray .

Dadka deegaanka ayaa waxa ay inoo sheegeen in xalay dagaal uu ka dhacay Deegaan lagu magacaabo Sabuun oo 14km dhanka Waqooyi Bari kaga began Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.

Uga yaraan dagaalka laba ruux ayaa ku geeriyootay,kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Maleeshiyaad ilaalo ka hayey Buundada Sabuun oo ah  mid isku-xirta deegaano badan oo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Dhexe.

ilaa iyo hada ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ku aadan daagalkan ka dhacay Deegaan lagu magacaabo Sabuun oo 14km dhanka Waqooyi Bari kaga began Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %