Mareeg Media
Somalia

Dagaal xalay ka dhacay Xaafad ka tirsan Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ayaa kasoo baxaya weerar xalay kooxo hubeysan ay ku soo qaadeen fariisin Ciidanka dowlada ku leeyihiin Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada  Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Waxaa la sheegay in Ciidamada dowlada iyo kooxda wererarka soo qaaday uu dhaxmaray dagaal socday muddo daqiiqado,isla markaana uu ka dhashay dagaalka khasaaro kala duwan oo labada dhinac ah.

Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay in xalay saqdii dhexe kooxo hubeysan oo aan la garan waxa ay yihiin ay weerar ku soo qaadeen fariisin Ciidanka dowlada ay ku leeyihiin Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada  Heliwaa,wuxuu sidoo kale sheegay in dadka deegaanka ay cabsi soo wajahday kadib markii ay maqleen dhawaqa Rasaas.

Ilaa iyo hada majiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowlada Soomaaliya oo ku aadan weerarkii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!